Web Aqriye
Web browser waxaa loogu yeeraa dhamaan barnaamijyada kala duwan ee loo isticmaalo webka ama interneetka hadba sidaad u fahmeysid. Web browser hadii aan afsomaali ahaan in aan u fasirno isku dayno waxuu noqonayaa Web Aqriye. Browserkii ugu horeeyay waxaa la soo saaray 1990 biloowgiisii, kaas oo eey soo saartay (National Center for Supercomputing Applications). Waxaana magaciisa la oran jiray NCSA Mosaic.
Inkastoo eey jiraan browseryo tira badan laakiin kuwa ugu caansan ee la isticmaalo waa , Microsoft Internet Explorer iyo Netscape Navigator, Firefox.