Net Square / Somali: Computer Basics / Computer/ Kompuyuutar
Kompuyuutar
 desktopnotebook
 
 
Kompuyuutarku waa qalab la isku soo aruuriyey oo ka kooban bir,koronto,caag,fiilooyin i.w.m. Laakiin waxa loogu talagalay inuu qabto, ayaa waxey ka dhigeysaa wax muhiim u ah nolosha maalin walba.
 
Kompuyuutarku waa meshin loogu talagalay  in uu ka caawiyo bini aadamka xisaabaha iyo qoraalada aadka u waa weyn, ee dadka maskaxdiisu qaban karin. Waqtiga hada la joogo kumpuyuutarku wuxuu noqday wax aad u mihiim ugu ah nolosha dadka, sababtoo ah waxaad ku arkeysaa meel walba sida guryaha,iskuulada, xafiisyada, airaboorada,isbitaalada, xeryaha askarta, baabuurta i.w.m
 
Kompuyuutarku wuxuu awood u leeyahay inuu aruuriyo qoraaalo, sawiro, heeso, filimo iyo ruwaayado aad u waa weyn iyo (Data) oo ah akhbaar  si gaara loo habeeyey. hadaba sida sawirada kor kaaga muuqata kompuyuutarada aan maalin walba aragno waxeey u badanyihiin labadaan nooc kan  miiska (desktop) iyo kan gacanta (notebook). Waxaa kaloo jira noocya kale oo aan hada waqtigu noo saamaxeynin inaan sawiradooda halkaaan ku soo bandhigno.