Net Square / Somali: Computer Basics / Hardware and Software/Haardweer iyo Softweer
Haardweer iyo Softweer

Haardweer iyo Softweer

Kompuyuutarka dhismihiisa waxaa loo kala qeybiyaa labo nooc oo kala ah:

- Hardware (Haardweer)
- Sofware (Softweer)


Haardhiweer waxaa loogu yeeraa qeybta aad arki kartid ama aad taaban kartid ee uu kompuyuutarku ka koobanyahay sida tusaale ahaan hadaan u soo qaato (mouse) jiirka, keyboardka, (cd.dirve) meesha cajalka cdiiga la geliyo, (printer) daabacaha, (speaker) sameecada, (monitor) muraayada kompuyuutarka. Hadaba waxaan sawirkaan hoose ugu tala galay inaan ku tuso muuqaalka qaarka mid ah kuwaan tusaalaha u soo qaatay.



Monitor waa muraayada kompuyuutarka ee u eg sida tan telefishinka, waxeey kaa caawisaa sidaad u arki laheyd waxa kumpuyuutarku uu qabanaayo ama shaqada aad adigu ku qabaneysid. la aanteedna kuuma suurta galeyso inaad isticmaashid kompuyuutarka.

Keyboard kompuyuutarka keyboardkiisa wuxuu leeyahay xarfaha alifbeetada oo dhan iyo numbarada hal ilaa sagaal. wuxuuna u egy yahay kan teebka hadii aad xasuusatid, waxaad isticmaaleysaa markaad dooneysid inaad wax qorto.

Mouse waxaa loo yaqaan afsoomaali ahaan Jiirka. Waxaana loogu tala galay inuu kuu fududeeya isticmaalka kompuyuutarka, markaad dooneysid inaad wax koobiyeysato ama aad furto barnaamij, run ahaantii halkan kuma soo koobi karo shaqaduu kabto laakiin casharka danbe ayaan isticmaalkiisa ku sharixi doonaa.

Speaker waa Sameecad waxaana loogu tala galay inaad ka maqasho, wax walba oo cod ah oo ka soo baxa kompuyuutarka.

CPU (Central Processsing Unit) qeybtaan waa qeybta ugu mihiimsan kumpuyuutarka oo dhan. Dadka qaar waxeey yiraahdaan waa matoorka kompuyuutarka, sababtoo ah waxaa ku jira dhamaan qalabka uu u baahnayahay kompuyuutarku si uu u shaqeeyo sida,
Prossesorka oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran yahay.
Hard Disk waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar ah ee kumbiyuutarka la galiyo.
Memory (xusuusta) waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la dooran in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey lumayaan. Memory waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan.
Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo inkasta oo hada eey suuqa ka baxday.
CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca cajaladda ah ee loo yaqaan CD.

Softiweer waa qeybta aadan arkin karin aadan taaban karin ee uu kompuyuutarku ku shaqeeyo oo ah prograamo lugu qoray luuqadaha prograaminka sida kuwan sawirkooda hoos ku yaal: