Isticmaalka keyboard
Inkastoo uu jiirku yahay waxa ugu badan ee aad u isticmaaleysid kompuyuutarka hadana waxaan lagama maarman ah inaad barato sida loo isticmaalo keyboardka. Tusaale ahaan hadii aad dooneysid inaad wax qorto, aad bey kuugu adkaaneysaa inaad jiirka ku qorto xarfado ama numbaro ama aad dooneysid inaad qof kula sheekeysato barnaamijyada lagu wada sheekeysto oo la isaga baahan yahay inaad si dhaqsaha wax u qortid
Mararka qaarkood waxaa dhacda inuu jiirku shaqeyn waayo adigoo shaqo kuu socoto. Xaaladahaas oo kale waxeey noqoneysaa windowska in mar kale dib loo soo shido, sidaad darteed waxaa muhiim ah inaad taqaano habkada barnaamijyada furan u xiri laheyd shaqadii kuu socotayna aad u xafidan laheyd.
halkan waxaad ka arkeysaa bottomada uu ka koobanyahay keyboardka iyo qaar ka mida sharaxaadooda.

Esc Bottonkaan waxaad uga bixi kartaa barnaamijkii kuu socday ama aad ku xiri kartaa, hadii aad interneetka beej animashin leh aad ku jirto waad ku joojin kartaa animashinka iyo waxa yaale kale oo badan ayaa loo isticmaalaa.
Alt iyo Ctrl labadaan botton waxaa la isticmaalaa iyagoo lagu daraayo bottomo kale sida(Alt+F4, Ctrl+O i.w.m).
Alt+Esc markaad isku darto barnaamijyada kuu furan ayaad mid mar uga wareegi kartaa.
Alt+F4 waxaad ku xiri kartaa dariishada kuu furan markaas.
F1 waxeey kuu fureysaa dariishada caawinaada.
PrtSc/SysRq bottomkaan waxaa ku koobiyeysankartaa ama daabacan kartaa waxaad muraayada uga jeedo.