Jiir

Inta aadan bilaabin isticmaalka kompuyuutarka waa inaad marka hore fahantaa habka Jiirku u shaqeeyo. Jiirka waxaad u isticmaaleysaa inaad ku aadisid shaashada si aad uga dooratid waxaad rabtid. Jiirku wuxuu leeyahay uga yaraan laba boton midig iyo bidi, qaarkood laakiin waxeey leeyihiin boton dhexe ama (scroll wheel) oo u dhaxeeya botomada midigta iyo bidixda. botonka bidixda ayaa badanaa la isticmaalaa.
Calaamada caadiga ee soo baxda marka jiirka aad wax ku tilmaameysid waa noocan: ![]()
Maxaad ku sameynkartaa jiirka
Dhaqaayi tilmaamaha dhaqdhaqaayi jiirka shaashada(muraayada)korkeeda.
Riix(click) halmar riix jiirka oo sii daa
Duoble click labagoor riix
Right click botonka midigta riix oo sii daa
Drag(jiid) riix botonka jiirka oo jiid
Scroll(dilindilee) botonka dhexda markaad dilindileyso dukumiintiga kuu furan ayaad hrey iyo gadaal ugu socon kartaa.
Pointer Shapes( calaamadaha jiirka)
