Net Square / Somali: Computer Basics / Operating system/Obereeting siistem
Obereeting siistem

Obereeting siistem

Obereeting siistem waa barnaamijka haga kompuyuutarka ee isku xira haardweerka iyo softweerka. Markaad shido kompuyuutarka ayaa waxaad arkeysaa in hardiskigu uu ku shubayo obereeting siistem qeybta xusuusta RAM ee u qaabilsan kompuyuutarka xaga shaqada.
Oberating siistem waxaa loo kala qeybiyaa caadi ahaan laba nooc, mid calaamado iyo xarfo ku saleysan iyo mid graafig ku saleysan. labadaas noocna waxeey ku kala duwanyiihn, kan graafiga ku saleysan waxaad u isticmaaleysaa inta badan jiirka waana tan ugu casrisan uguna fudud. laakiin tan calaamahada ku saleysan waxaad u baahantahay inaad isticmaasho keyboardka oo aad qortid calaamado iyo xarfo sida MS-Doska, tusaale ahaan C:\>Dir.

Hadaba waxaan hoos ku qoraayaa noocyada kala duwan ee hada la istimaalo, inkastoo qaarkood eey suuqa ka baxeen ama isticmaalkoodu uu yaraaday.

MS-DOS
Window 3.1/3.11
Windows 95
Windows 98
Windows NT
Windows 2000
Windows ME
Windows XP
Unix
Linux
MAC OS


enlarge image +