Net Square / Somali: Computer Basics / Starting up the Computer/Shidista kompuyuutarka
Shidista kompuyuutarka

Shidista kompuyuutarka

Kompuyuutarka shidistiisa waxeey ka bilaabaneysaa sida wax kasta oo koronto ku shaqeeya inaad gelisid bareeska korontada. Hadaba bottomka laga shido waxaad ka heleysaa sanduuqa (system prosessor unite) qeybtiisa hore.

Markaad riixdo bottomka kompuyuutarku wuxuu bilaabayaa inuu muraayada (shaashada) ku soo daabaco qoraalo kale duwan, kuwaas oo qofka isticmaalaha ah uusan u baahneyn inuu wax ka ogaado.

Marka ugu horeeya waxa soo baxaaya barnaamijka bioska kaas oo jeegareynaya haardweerka oo dhan, markaas ka dib ayaa waxaa bilaabaneysa obereeting siistemka inuu shidmo, taas oo qaadata inta badan laba minute. Shaashada midabkeeda ayaa is badeli doona waqtigaas dhowr goor. Ka dib markuu obereeting siistemku diyaar noqdo waxaa kuu furmaaya dariishadaadii windowska ee ugu horeeysay, waa hadii aad isticmaaleysit obereeting siistem windows ah kompuutarkuna waa diyaar.


enlarge image +