Net Square / Somali: Computer Basics / Installing Programs/Gelinta barnaamijyada
Gelinta barnaamijyada

Gelinta barnaamijyada

Kompuyuutarka barnaamijyadiisa waxaa lagu keenaa badanaa iyagoo ku jira CD-ROM, ama cajilka yar ee loo yaqaan flobbydiski, ama maalmahaan waxaa sida badan ka soo qaadan kartaa interneetka.
hadaba waxaan hoos kugu tusaayaa sidaad barnaamij u gelinlaheyd kompuyuutarkaaga.

1. Riix bottomka CD-ROM drifka si aad u furto waa meesha (Cdiiga la gasho). 
2. U geli si tartiiba Cdiiga adigoo hubineysid inuu si fiican u fadhiyo.
3. Riix Bottomka CD-ROM drifka si aad u xirtid.
4. Sida caadiga ah, dariishad ayaa furanta barnaamijka gelintiisana autamatig ayeey u bilaabataa, waa inaad raacdaa tilmaanta barnaamijka ku siinaayo.
5. Hadii eysan dariishad furmin, Riix Start>Controlpanel..Labogoor –riix Add/Remove programs. Riix Install, ka dibna Riix Next. Dariishad ayaa autamatig uga raadin doonta cdiiga, barnaamijka la gelinaayo kompuyuutarka iyo sida loo gelinaayoo, marka raac waxa dariishada laguugu soo qoro.
6. Markaad dhameyso ka bixi cdiiga oo kompuyuutarka dib u soo shid.
7. Tijaabi barnaamijka aad gelisay inuu shaqeynaayo, Riix Start>programs ka dibna ka dooro barnaamijka liiska.

Gelinta barnaamij aad interneetka ka soo qaadatay

1. Markaad hesho beej aad ka soo qaadan karto barnaamijka aad dooneysid, waxaad raacdaa habka aad u qaadan karto ee beejka ku qoran.
2. Intuu socdo (downloadka) waa gelinta barnaamijkee, waxaa ku soo baxeysa dariishada barnaamij gelinta( download window) oo kuu sheegeysaa meeshuu maraayo downloadka.
3. Markuu dhameeyo waxaa kuu soo baxeysa dariishad kale ku weydiineysaa inaad ogaalato inaad geliso barnaamijka kompuyuutarkaaga.

Barnaamij tir tirista

1. Riix Start>Control panel
2. Labagoor Add/Remove program
3. Raac waxa kuugu soo qormo muraayada


Xusuus: barnaamijyada ku shaqeeya windowska oo kaliya ayaa lagu saari karaa ama wax lagu gelin karaa Add/Remove programs