Taarikhda Interneetka
Interneetka wuxuu jiritaankiisu soo ifbaxay 1969 dhamaadkedi. Waqtigaas oo eey dowlada mareykanka bilaawday (Advanceed Research Projects Agency). oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan ARPA. Sanadkii 1969 ayeey ARPA soo saartay shabagadeedii inerneetka ee tijaabada aheyd , oo magaceedu uu noqday ARPANET.interneetkan wuxuu ahaa mid tijaabo ah waxaana loo isticmaali jiray baaritaanka tegnolojiyada shabagada interneetka iyo horumarinteeda. Markii ugu horeysay waxaa lagu bilaabay interneetkan afar kompuyuutar, oo ahaa kompuyuutarada jaamacadaha mareykanka oo meela kala duwan wadanka yaaley. Kompuyuutardan waxeey awood u yeesheen ineey isu gudbiyaan wararka, iyo in laga maamuli karey mid qura kompuyuutarada kale.
sanadkii 1972 shabagada ARPANET waaxaa lagu xiray 37 kompuyuutar. Waxaaana la badalay magacii ARPA, oo loo badalay DARPAK (Defence Advanced Research Projects Agency). ARPANET ujeedadeedu waxeey aheyd ineey sameyso shabagad inerneet oo shaqeysa xataa hadii eey qeyb ka mid ah fariisato.
Shabagada inteerneetka waxaana protocol u ahaa NCP (Network Control Protocol). Laakiin waxaa lagu badalay TCP/IP, kaas oo noqday protocol aad u wanaagsan oo ilaa hada la isticmaalo, sawirkaan waxaad ka arkeysaa suu u shaqeeyo interneetka.