Net Square / Somali: Computer Basics / internet explorer/interneet explorer
interneet explorer

Biloow isticmaalka interneet explorerka

Furitaanka explorerka

Inta aadan bilaabin isticmaalka explorerka, waa in qadka internekaadu uu furnaadaa, inkastoo badanaa hada qadadka la isticmaalo eey mar walba furanyihiin ama diyaar yihiin hadii uu shidanyahay kompuyuutarkaagu.

Si aad u furto Interneet explorerka labagoor-riix Sawirka interneet explorerka, ee shaashada kuu saaran, ama dooro Start>Programs>Internet Explorer

Markaad furto interneet explorerka, waxaad arkeysaa dariishada webaqriyaha beejkaagii ugu horeeyey ee interneetka.


Si aad u isticmaashid explorerka waa webaqriyehee, waxaad u baahantahay inaad wax ka taqaano bottomada korkiisa ku yaalla iyo sideey u shaqeeyaan, hadaba waxaan hoos kugu sharaxay qaar kamid seey u shaqeeyaan.

Address bar: Jiir gee meesha cad, ka dibna ku qor adreeska aad rabtit, waa beejka aad rabtid inaad tagto, xasuusnoow inaad adrees sax ah ad qortid.

Back: Riix si aad ugu noqoto beejkii ugu danbeeyey ee aad joogtay.

Forward: Riix si aad u aado beejkii aad joogtay intaadan riixin bottomka back.

Stop: Bottomkaan wuxuu joojinaayaa beejkii aad fureysay.

Refresh: Bottomkaan wuxuu mar labaad furaayaa beejkaa hada joogtid.

Home: Bottomkaana wuxuu ku geynaaya beejka uu ka bilaabanaayo interneet explorerkaaga.