Net Square / Somali: Computer Basics / HTML/Luuqada HTML
Luuqada HTML



HTML waa luuqada lagu qoro web beejiska ama inerneetka beejajkiisa, HTML waxeey ka timid xarfo engriis ah oo la soo gaabshey kuwaas oo ah HyperText Markup Language. Hyperteksti waa qoraal caadi ah, oo eey la socdaan tilmaamo aktive ah. Tilmaamahaasna waxaa loogu yeeraa hyperlinks ama links keliya (web aqriyaasha waxeey kuu tusaayaan linkiska iyagoo hoos ka xariiqan ama qoraal midab kale leh). Linkiska waxaa ku jira akhbaaro aadan arki Karin waxeey yihiin. Laakiin marka aad riixdo ayuu webaqriyuhu ku tusaayaa waxa ku hoos jira.

Shaqada ugu weyn markaad qoreysid HTML qoraal ah waxa weeye sidii aad u calaamadeen laheyd, sida qoraalka noocyadiisa kala duwan loo arki lahaa, halkaas weeye marka meesha xarafka ”Markup” uu ka imaanaayo. Hypertext Markup Language wuxuu kaloo leeyahay calaamado (luuqada engriiska lagu dhaho tags),kuwaas oo sheegaaya inuu beej noqdo cinwaan, ama xarfaha qaarkood la weyneeyo, madoobeeyo, ama la calaamadeeyo. HTML qoraaladiisu waxeey ka kooban yihiin xarfo iyo calaamado. Hadii la doonaayo in beejka laga arko sawir ama cod laga dhageysto, waxaa loo koopiyeynaayaa gooni ahaan ka dibna luuqada HTML ayaa waxeey leedahay calaamado iyo habab kala duwan oo eey u tusto webaqriyaha.

Marka aad bilaabeysid barashada luuqada HTML:Ka waxaa dhici karta inaad ku wareertid noocyada kala duwan ee HTML;ka, sabatoo ah waxaa jira vershino kala duwan oo HTML ah kuwaas oo ku kala duwan waxyaabaha eey ka kooban yihiin, laakiin ma ah wax aad u weyn.