Net Square / Somali: Computer Basics / virus/Feyrus
Feyrus

Kompuyuutar fayrus waa barnaamij yar oo loo qoray inuu wax u dhimo habka uu u shaqeeyo kompuyuutarka, isagoo aan waxba ka ogeyn ama aanu ogolaansho siinin qofka iska leh. Fayrusyadu waxey tir tiri karaan dukumintigaaga, waxey wax ka bedeli karaan siduu u shaqeeyo kompuyuutarka, waxeey u gudbin karaan waxa kuugu jira oo dhan dadka kale ee qadka interneetka ku jira, waxeey qashin ka buuxin karaan haardiskiga.

Kompuyuutar fayrasku wuxuu isku hoos qariyaan barnaamijyada kale kale sidaad darteet markaad dooneysid inaad ka soo qaadato interneetka barnaamij adigoo aan ka filaneyn ayuu kuu soo raacaa ama waa laguu soo diri karaa.

Laga billaabo tan iyo intii fayruskii ugu horeeyey ee ku dhaca kompuyuutarada 1986, waxaa had iyo jeer dadka allifa ama barnaamijyada fayruska ahi sameeya eey isku dayayeen ineey khasaaro soo gaar siiyaan shirkadaha waa weyn iyo dadka isticmaalaba kompuyuutarada.

Taasina waxeey keentay in la allifo barnaamijyo looga hor tagaayo fayruska loona yaqaano Antivirus kuwaas oo ka hortaga fayruska ama ka saara kompuyuutarka.

Hadaba waxaan isku dayayaa inaan sharaxo qaar ka mida noocyada feyruska ee hada jira.

Spoof waxaa la yidhaahdaa marka fayrus laguugu soo diro E-mailka iyadoo isla markaana fayl yar oo fayrus ah laguu soo raaciyo si aad u furto faylka. Si aad faylka u furto waxaa qofka soo diray E-mailka uu qaldaa cinwaankiisa ama magaciisa. Tusaale ahaan wuxuu Cinwaan ka dhigaa: from Microsoft si markaa aad u aaminto oo aad u tidhaahdo waa fayl aan waxba i yeeleyn.

Hoax waxaa la yidhaahdaa marka Digniin Warqad ahi kuugu timaado E-mailka iyadoo dadkuna ay moodayaan inuu yahay fayrus. Hoax waxaa inta badan marka E.mailka la furo noqdaa fayl aan fayrus ahayn oo hanjabaad & argigixiso ahaan laguugu soo diray.

Worm waxaa la yidhaahdaa marka fayruska uu ku fido shabakadda iyadoo marba uu IP adress-yada isaga wada gudbayo. Noocani waa nooca ugu halista iyo khasaaraha badan waana nooca baryahan dambe aad shirkadda Microsoft uga cabatay.

Trojan Horses Trojan Horses fayrus waa kan ugu wada khasaaraha weyn. Qofku wuxuu kuu soo dirayaa fayl marka aad faylkaa furta dabadeed wuxuu qofku marka uu helo IP Adresskaaga si toos ah u soo gelayaa Kumbiyuutarkaaga isagoo wuxuu doono ku sameyn karo.